Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ISIS: Waxaan ku Soconaa Baqdaad


Kooxda Islaamiyiinta ISIS ayaa ku hanjabay inay tagayaan magaalada Baqdaad, kadib markii ay qabsadeen magaallooyin dhowr ah oo ku yaalla Ciraaq. Arrintan ayaa dhabar-jab ku ah dowladda ay Shiicadu hoggaamiyeen ee Ciraaq.

Afhayeenka kooxdan ayaa fariin maanta oo Khamiis ah la soo diray wuxuu ku sheegay in kooxda ay doonayso inay qabsato magaalada Karbala, oo ay ku yaallaan goobaha ugu muhiimsan Muslimiinta Shiicada.

Golaha Amniga ee QM ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu ka doodo xaaladda Ciraaq. War-saxaafadeed shirka maanta ka hor la soo saaray ayaa lagu canbaareeyay qabsashadii kooxda ISIS ay qabsatay magaalada Mosul, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq.

RW Ciraaq ayaa baarlamaanka ka codsaday in dalka xukun deg-deg ah lagu soo rogo, balse baarlamaanka ayaa arrintaasi u coddeyn waayay.
XS
SM
MD
LG