Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afduub Kale oo ka Dhacay Nigeria


Dad ka banaanbaxaya afduubkii hore ee 200 oo hablood loo geystey
Dad ka banaanbaxaya afduubkii hore ee 200 oo hablood loo geystey
Maliishiiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Boko Haram ayaa 20 haween ah ka afduubey meel ku dhow goobtii ay kooxdan bishii April uga afduubteen 200 hablood oo dugsi wax ka baranayey.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in rag hubeysan ay gawaari ku soo galeen degaanka la yiraahdo Garkin Fulani isla markaana ay dumarkaasi ku saareen gawaaridooda. Goobjoogeyaasha ayaa intaa ku darey in afduubka uu dhacay maalintii Khamiista.

Dowladda weli kama hadlin wararkan ku saabsan afduubka.

Degaanka uu afduubka ka dhacay waxaa uu u dhow yahay tuulada Chibok, halkaas oo bishii April uu afduub weyn ka dhacay.

Milatariga Nigeria ayaa si isa soo tareysa waxaa loogu dhaliilaya inay wax ka qaban waayeen joojinta weerarada kooxda Boko Haram.

Ururkan ayaa lagu eedeeyaa inuu ka dambeeyey dhimashada kumanaan qof shantii sanno ee uu wadey kacdoonka.
XS
SM
MD
LG