Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dabley Qabsatay Jaamacad ku Taala Ciraaq.


Booliska dalka Ciraaq ayaa sheegaya in niman hubeysan ay xoog ku qabsadeen jaamacad ku taalla galbeedka magaalada Baqdaad, halkaasina ay ku haystaan arday farabadan.

Masuuliyiinta ayaa sheegaya in weerarka uu Sabtidan ka dhacay jaamacadda Anbad ee ku taala Ramadi oo ah caasimadda gobolka Anbar.

Booliska ayaa sheegaya in nimanka hubeysan ay dileen ilaaladii jaamacadda oo isku dayayey inay ka horjoogsadaan albaabka jaamacadda, ka dibna ay sidaa ku galeen jaamacadda.

Xoogagga amaanka ayaa goobta xiray.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weerarka, inkastoo kooxda loo yaqaano Dowladda Islaamiga ah ee Ciraq iyo Shaam ay qaadeen weerarro badan dhowrkii bikood ee la soo dhaafay.
XS
SM
MD
LG