Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo Weli ka Socda Bariga Ukraine


Ukrainian soldiers and a doctor carry a wounded soldier in a hospital in Izyum close to Slovyansk, Ukraine, June 3, 2014.
Ukrainian soldiers and a doctor carry a wounded soldier in a hospital in Izyum close to Slovyansk, Ukraine, June 3, 2014.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha gooni u goosadka taageersan Russia ayaa si aan kala joogsi lahayn uga sii socdey maanta bariga Ukraine, iyadoo dhinac kasta uu sheeganayo inuu khasaare gaarsiiyey dhinaca kale.

Madaxweynaha Ku Meel Gaarka ah ee Ukraine Oleksandr Turchynov ayaa baarlamanka u sheegay in xero ay fallaagada ku lahaayeen magaalada Severodonetsk ee gobolka Luhansk la burburiyey, isla markaana la diley tiro aad u badan oo “argagixiso” ah.

Waxaa uu intaa ku darey in ciidamada amniga ay ku sii jeedaan xoreynta waqooyiga Donetsk. Gobolka Donetsk waxaa uu deris la yahay gobolka Luhansk.

Maalintii Talaadada, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ukraine Arsen Avakov waxaa uu ugu baaqey shacabka Donetsk inaaney guryahooda ka soo bixin, dagaalka culus ee socda awgii ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maliishiyada gooni u goosadka ee Russia taageersan.

Digniintan ayaa ku wajahneyd dadka deggan magaalooyinka Slovyansk oo ah saldhigga ugu weyn ee fallaagada iyo kuwa ku nool magalaooyinka Kramatorsk iyo Krasny Liman.

Sarkaal u Hadley fallaagada oo ku sugan magaalada Slovyansk, Vyacheslav Ponomayrov, ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad dagaal oo Ukraine leedahay, hase yeeshee xukuumadda Kiev way beenisey sheegashadaasi.
XS
SM
MD
LG