Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sisi oo Loo Doortay Madaxtinimada Masar


Natiijooyinka hordhac ah ayaa sheegaya in Cabdifitaax al-Sisi loo doortay madaxtinimada dalka Masar, kaddib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Masar lagu qabtay maalmihii la soo dhaafay.

Warbaahinta ayaa sheegaysa in Sisi uu helay in ka badan 93%.

Kooxaha Islaamiyiinta iyo cilmaaniyiinta ayaa iyagu qaadacay doorashada.

Mr. Sisi ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii hore Maxamed Morsi bishii July ee sannadkii hore kaddib markii ay dhaceen dibadbaxyo waaweyn oo Morsi looga soo horjeeday.

XS
SM
MD
LG