Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Degmada Balad-Xaawo


Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay in ku dhow 10 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii maanta dagaal xooggan uu laba kooxood ku dhexmaray degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa VOA uga warramay dagaalkan, isagoo sheegay in dagaalku uu qarxay kadib markii maleeshiyo taabacsan guddoomiyihii hore ee degmada Doolow ay soo weerareen barta koontarool ee laga soo galo degmada Balad-xaawo.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaal toddobaadkii hore ka dhacay isla degmadan Balad-Xaawo.
XS
SM
MD
LG