Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan: Kenya Jawaab Ayaan ka Sugaynaa


Madaxweyne Xasan
Madaxweyne Xasan
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay Kenya u dirtay warqad ay uga cabanayso xarigii qunsulka Soomaliya ee Kenya, haatanna ay Kenya ka sugayaan inay jawaab ka bixiso.

Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay inaysan jirin isfaham-waa u dhaxeeya labada dal oo ka dhashay xariga qunsulka Siyaad Maxamuud Shire. balse wuxuu xusay in dowladda Somalia ay dib ugu yeertay safiirkeedii Kenya si loola tashado.

Madaxwynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in dhibaatooyinka Kenya ka jira ee dhaliyay in ciidamada amnigu ay qab-qabtaan Soomaalida ay mas'uul dhibaatadaasi ka yihiin ururka al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladdiisa.

Mar uu ka hadlayay howlgallada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in ururka ururka al-Shabaab ay ka qabsadeen magaallooyin badan, haatanna ay dowladdu wado qorshe ku aadan maamul-dhisid iyo sidii loo so celin lahaa adeegyadii aas-aasiga ahaa.
XS
SM
MD
LG