Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Kulmiye oo Mar kale Doortay Muuse Biixi


Muuse Biixi
Muuse Biixi
Xisbiga Kulmiye ee haya talada Somaliland ayaa maanta mar kale guddoomiyaha xisbigaasi u doortay Muse Biixi Cabdi, isagoo xilkaasi hayn doona shanta sanno ee soo socota.

Doorashadan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii xisbigu maanta soo gaba-gabeeyay shirweyne muddo laba maalmood ah uga socday magaalada Hargeysa.

Shirweynahaasi, waxaa sidoo kale dib loogu doortay afartii guddoomiye kuxigeen ee xisbiga, waxaana sidoo kale shirweynaha lagu ansixiyay tirada golaha dhexe ee uu yeelanayo xisbigaasi oo iyadana la kordhiya.

Muse Biixi oo gaba-gabadii shirweynaha ka hadlay ayaa balanqaaday inay xisbigiisu dhowri doono wadajirka iyo gooni isutaagga Somaliland.
XS
SM
MD
LG