Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Assad oo Mar Kale u Sharraxan Madaxtinimada Syria


Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ayaa mar saddexaad u taagan tartanka doorashada madaxtinimada dalka. Afhayeenka Baarlamanka ayaa go’aankaasi televishanka ka shaaciyey.

Musharixiinta ayaa toddobaadkii hore bilaabey inay isku diiwaan geliyaan doorashada madaxtinimada oo dhici doonta 3-da bisha June.

Mr. Assad ayaa dagaal kula jirey mucaaradka tan iyo sannadkii 2011. Dagaalkaasi sokeeye ayaa waxaa ku dhintey in ka badan 150,000 oo qof.

Ilaa iyo 2.6 milyan oo qof ayaa ka cararey Syria, magangelyana weydiistey dalalka deriska ah, iyadoo xasaraddan ay gudaha Syria ku barakaceen dad gaaraya 6.5 milyan oo qof.

Madaxweynaha ayaa talada dalkaasi soo hayey tan iyo sannadkii 2000 markii uu dhintey aabihii, oo Syria ka soo taliyey muddo 30 sannadood ah.

Mr. Assad ayaa mar labaad talada dalka loo doortey sannadkii 2007, doorashadaas oo ay qaadaceen mucaaradka.
XS
SM
MD
LG