Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo ka Hadley Dil ka Dhacay USA


U.S. President Barack Obama makes remarks about the Passover Eve killings of three people at two Jewish community centers in the Kansas City area, during an Easter prayer breakfast in the East Room of the White House in Washington, April 14, 2014.
U.S. President Barack Obama makes remarks about the Passover Eve killings of three people at two Jewish community centers in the Kansas City area, during an Easter prayer breakfast in the East Room of the White House in Washington, April 14, 2014.
Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in rabshadaha dhinaca diinta aaney meel uga banaaneyn bulshada Mareykanka, kadib markii nin hubeysan oo lagu xiriiriyo nacaybka dadka Yuhuudda uu maalintii Axadda saddex qof ku dilay xarun bulshada Yuhuudda ay leeyihiin iyo guri dadka da’da ah lagu xanaaneeyo oo ku yaalla gobolka Kansas ee bartamaha Mareykanka.

Isagoo ka hadlaya munaasabad duco ah oo lagu qabtey Aqalka Cad, Mr. Obama waxaa uu sheegay, "Ma ahan in qofna uu ka wallaaco amnigiisa , weliba marka ay meel ku soo wada uruuraan bulshada ay isku diinta yihiin. Ma ahan qofna inuu amnigiisa u baqo marka uu aado goobaha lagu cibaadeysto."

Waxaa uu sheegay in xilliga lagu soo beegay weerarka oo ah waqti bulshada Yuhuudda iyo Masiixiyiinta isku diyaarinayaan xusas diimeedyo, ay ka dhigeyso falkani mid xanuun badan.

Booliska ayaa xirey nin muddo lagu xiriirinayo inuu aaminsanaa in caddaanka uu ka sareeyo dadka intiisa kale, kaas oo lagu eedeynayo inuu toogashadan ka dambeeyay.

Ninka la soo qabtey ee xiran, Frazier Glenn Cross ayaa maanta maxkamad la soo taagaya, isagoo ku eedeysan dil bareer ah oo u geystey.
XS
SM
MD
LG