Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chad oo Ciidamadeeda kala Baxaysa J.A. Dhexe


An African Union (AU) peacekeeper for the Central African Republic (MISCA) keeps guard as a U.S. Air Force plane lands carrying the first contingent of Rwandan AU soldiers at the capital Bangui January 16, 2014. REUTERS/Siegfried Modola (CENTRAL AFRICAN R
An African Union (AU) peacekeeper for the Central African Republic (MISCA) keeps guard as a U.S. Air Force plane lands carrying the first contingent of Rwandan AU soldiers at the capital Bangui January 16, 2014. REUTERS/Siegfried Modola (CENTRAL AFRICAN R
Dalka Chad ayaa ciidamadiisa kala baxaya hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Jamhuriyadda Afrikada Dhexe.

War arintaasi ku saabsan oo uu soo saarey wasiirka arrimaha dibedda ee Chad, Moussa Faki Mahamat, ayaan lagu faahfaahin in ciidamada Chad aygebi ahaanba isaga baxayaan Jamhuriyadda Afrikada Dhexe iyo in kale.

Chad waxay 850 askari ku leedahay hawlgalka Midowga Afrika ee Afrikada Dhexe ee loogu talagaley badbaadinta shacabka iyo inay hubka ka dhigaan maliishiyaadka ka jira dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Chad ayaa sheegay in ciidamadooda laga dhigtay kuwo mar walba lala beegsado olole magac xumeyn ah oo lagaga dhigayo inay mas’uul ka yihiin dhamaan dhibaatooyinka ka taagan Jamhuriyadda Afrikada Dhexe.

Kumanaan ka mid ah Muslimiinta Jamhuriyadda Afrikada Dhexe ayaa ka cararey guryahooda iyo degaannadii ay ku noolaayeen bilihii dhowaa, iyagoo ka cabsi qaba maliishiyaadka tirada badan ee Masiixiyiinta ee loo yaqaano anti-balaka. Muslimiinta aya intooda badan waxay u cararayaan dalalka deriska.

Maliishiyaadka anti-balaka ayaa ku eedeeyey ciidamada Chad inay la safteen shacabka Muslimiinta, wixii intaa ka horeeyayna ay gacan siinayeen falaagada ay Muslimiinta ku badan yihiin ee loo yaqaano Seleka.
XS
SM
MD
LG