Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Texas: Toogasho keentay Dhimasho iyo Dhaawac


Fort Hood Shooting
Fort Hood Shooting
Maamulka xerada ciidamada Fort Hood ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in qof hub sitay uu rasaas ku furay xerada, halkaasna uu hal qof ku dhintay, dhowr kalena ku dhaawacmeen.

Saraakiisha xeradan oo aad u weyn, horayna ay toogasho uga dhacday sanadkii 2009kii ayaa xaqiijiyey toogashada habeenkii xalay ahaa, ka dib markii shabakadaha xiriirka bulshada lagu faafiyey. Hadalkii ciidanka ayaan wax faahfaahin ah lagu sheegin. Warbaahinta ka dhisan degaanka uu shilku ka dhacay ayaa soo warinaysa tiro dhaawac ah.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Obama la ogeysiiyey toogashada, isla markaana si joogto ah loo siin doono wararka ugu dambeeya.
XS
SM
MD
LG