Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in dawladda ay kordhinayso dakhliga kasoo xarooda gudaha in ka badan 50% sanandkan. Waxa wasiirku uu maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya isaga oo u bandhigay miisaaniyadda sannadkan soo socda oo la saadaaliyey 218 milyan oo dollar. Wasiirka oo waraysi siyey idaacadda VOA ayaa sheegay in ku dhowaad kala-badh miisaaniyadda ay saadaalinayaan inay kasoo xarooto gudahe. Khadka telefoonka ee Muqdishu ayuu ugu warramaya Haaruun Macruuf, oo ugu horrayn weydiiyey wasiirka sida ay dakhligaasi kusoo xaraynayaan.