Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland:Muran ka Taagan Hakinta Dhul Bixinta


Qaar ka mid ah madaxda dawladaha hoose ee Somaliland ayaa ka horyimid amar ka soo baxay wasaaradda hawlaha guud oo lagu joojinayay bixinta dhulka danta guud.

Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa hore u soo saaray amarro uu dawladaha hoose ee Somaliland kaga joojinayo qorshaynta magaalooyinka, beeraha iyo weliba sharciyaynta dhulka danta guud loo asteeyo.

Arrintaasi ayaa waxaa diiday qaar ka mida maayarada dalka oo ku gacansaydhay isla markaana go’aankaas ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.

Maayar ku xigeenka ahna ku simaha duqa caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa arrintaasi uga warramay VOA.

Waraysiga oo dhamaytirsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:20 0:00
XS
SM
MD
LG