Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine oo Ruushka Faragelin ku Eedeynaya


Wasiirka arrimaha gudaha ee Ukraine ayaa ku eedeeyey ciidamada Ruushka inay duulaan ku yihiin dalkiisa kadib marki rag hubeysan ay qabsadeen laba garoon diyaaradeed oo ku yaala gobolka Crimea region ee waddanka Ukraine.

Arsen Avakov, wasiirka arrimaha gudaha ee Ukraine, waxa uu boggiisa facebook ku soo qorey maanta oo Jimce ah in ciidamada Ruushka ay xanibeen garoonka Belbek ee ku yaala magaalada Sevastopol, halkaas oo Ruushka uu ku leeyahay saldhig ciidamada badda ah.
Rag aan haybtooda la garaneyn ayaa gaaf wareegayey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Simferopol, oo ah caasimadda gobolka Crimea.

Warbhaainta dowladda Ruushka ayaa baahinaya warar lagu beeninayo in Ruushka uu lug ku leeyahay arrimaha halkaasi ka socda.

Madaxweynaha KMG ee Ukraine, Olekxandr Turchnyov ayaa kulan degdeg ah isugu yeerey taliyeyaasha ciidamada amniga si looga arrinsado xaaladdan taagan.

Falalkan ayaa dhacaya maalin kadib markii rag hubeysan ay qabsadeen dhismeyaal dowladdu leedahay oo ku yaalla Crimea, oo ah gobol ka tirsan Ukraine, balse xiriir aad u adag la leh Moscow. Raggaa hubeysan ayaa goobahaa ay qabsadeen waxay ka taageen calanka Ruushka.

Dhanka kale Madaxweynaha talada laga tuuray ee Ukraine Viktor Yanukovych, oo isagu sheegey in ammaankiisa ay sugayaan Ruushka, ayaa la filayaa inuu warbaahinta la hadlo maanta, shir jaraaiid oo uu ku qabanayo magaalada Rostov-on-Don ee Koonfuurta Ruushka.
XS
SM
MD
LG