Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxii Muqdisho


Ilaa iyo kow iyo toban qof ayaa dhintey kadib markii gaari bambaano laga soo buuxiyey uu ku qarxey magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel shaaha laga cabo oo ku dhow xarunta Nabadsugidda Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Uruka Al-shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Maliishiyada kooxda Al Shabab ee dowladda ka soo horjeedda ayaa laga saarey Muqdisho sannadkii 2011, hase yeeshee waxay weeraro badan oo ah ay ka fulisey magaalada.

Toddobaadkii hore, Al Shabab oo xiriir la leh AL Qaacida ayaa gaari bambaano laga soo buuxiyey ku qarxisey xarunta madaxtooyada, kadibna waxay gudaha u galeen xarunta halkaas oo dagaal ka dhacay ay ku dhinteen 17 qof. Madaxweynaha Somalia ayaa ka badbaadey weerarkaasi.

Horaantii bishan Al Shabab waxay weerar loo adeegsadey gaari bambaano laga soo buuxiyey ku dileen lix qof, oo ay ku jiraan saddex askari.

Hadaba warbixin, Wareysi iyo Falanqeyn ku saabsan qaraxii maanta halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:21:17 0:00
XS
SM
MD
LG