Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran: Waa la isku Afgartey Wadahadalka Nuclear-ka


Austria Iran Nuclear Talks
Austria Iran Nuclear Talks
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegaya in xukuumadda Tehran iyo lixda dal ee dunida ugu awood roon ay isku afgarteen qaabka loo wajahayo wadahadallada ku saabsan heshiis laga gaaro barnaamijka nuclearka Iran.

Madaxa wadahadalladaasi ee Iran Abbas Araghchi ma aanu bixin faahfaahin ku saabsan heshiiska laga gaarey qaabka wadahadallada mar uu la hadlayey wakaaladad wararka Iran ee IRNA.

Hadalkani ayaa dabajooga laba maalmood oo wadahadallo ka socdey magaalada Vienna, kuwaas oo Mr Araghchi uu ku tilmaamey inay ahaayeen kuwo jawi wanaagsan ku dhacay.

Waxaa uu intaa ku darey in wareeg kale oo wadahadallo ah lagu qaban doono dhammaadka bisha March magaalada Vienna, balse wuxuu sheegey inaanu hubin waxa ay ku dambeyn doonaan mustaqbalka.

Diblomaasiyiin ka tirsan Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ku tilmaamey wadahadallada Vienna kuwo rajo weyn laga leeyahay, muhiimna ahaa.

Labada dhinac ayaa isku dayayaa inay ka shaqeeyaan heshiiska lixda bilood ee ay gaareen bishii November, kaas oo ugu baaqaya Iran inay xakameyso inta badan hawlaheeda la xiriira nuclear-ka, beddelkeedana laga khafiifiyo cunaqabateynta saaran.

Ku Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran Abbas Araghchi ayaa sheegey in dalkiisu aanu oggolaan doonin in heshiiska la raadinayo lagu soo daro qodob dhigaya inay baabi’iso warshadaheeda nuclear-ka.
XS
SM
MD
LG