Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry: Tunisia ku Dayasho Ayey Mudantahay


Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry oo ku sugan Tunisia ayaa madaxda dalkaasi kala hadlay isbedelka dimuquraadi ee Tunisia ka jira, dalkaas oo ah halkii uu ka bilowday kacdoonkii loogu magac daray gugii Carabta sadex sanadood ka hor.

Kerry ayaa la kulmay Madaxweynaha Tunisia Moncef Marzouki, isagoo u sheegay in mareykanka uu aad ula dhacsanyahay talabooyinka ay qaaday xukumadda Tunisia .

Horaantii bishan, ayaa dalka Tunisia waxa uu ansixiyay dastuur cusub oo ay dadka wax ka faalooda qaarkood ku tilmaameen, horumar uu ku talaabsaday dal ka mid ah dunida carabta, inkastoo qaar ka mid ah dadka ka soo horjeeda dastuurkan ay sheegeen inuusan difaac ku filan siineyn xuquuqda Dumarka.

Dastuurka Tunisia ayaa dalkaasi ka dhigaya dal isku xukuma nidaamka dimuquraadiga.

Mr. Kerry ayaa amaanay dastuurka cusub ee Tunisia, isagoo sheegay Tunisia ay u noqon karto tusaale ay ku daydaan dadka isbedel doonka ah.
XS
SM
MD
LG