Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo Beenisay Warbixinta SEMG


Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya
Warbixin uu diyaariiyey Guddiga Cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eretriya oo ay si hordhac ah u heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku eedaysay dawladda Soomaaliya in qaar ka mid ah hubka ay ka soo iibsatay ama ay ka heshay dibedda si musuqmaasuq ah uu gacanta ugu galay ururka al-Shabab.

Soomaaliya ayaa sannadki hore laga khafiifiyey cunaqabatayntii hubka waxaan ahadidi eedahan ay dhaboobaan ay dharbbaaxo ku nqoon kartaan kalsoonida uu siiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida aya sheegene dadka wax indha-indheeya.

Taliyaha ciidamada xoogga dallka Soomaaliyeed Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarsho ayaa gaashaanka ku dhuftay eedayntaasi, waxana uu VOAda uu u sheegay in markii guddigaasi ay booqdeen bakhaarka dawladda uu hubku u yaallo ay ku qanceen macluumaadkii ay heleen.
XS
SM
MD
LG