Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaafiic Mar Kale Laga Maqalay Muqdisho


Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay magaalada laga maqlay madaafiic xoog leh oo ku dhaceysay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Ilaa iyo 20 madfac oo loo maleynayo inay ahaayeen hoobiyeyaal ayaa badankood ku dhacay xaafado ka mid ah degmooyinka Wardhigely, Xamar Weyne , iyo Shangaani.

Madaafiicdan ayaa la tuhunsanyahay in lala bar tilmaameedsanayay xarunta Madaxtooyada, inkastoo ay ku dhacayeen degmooyinka ku xeeran.

Waa markii sadexaad oo sidam oo kale hoobiyeyaal lagu weeraro magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaashii xalay oo la sheegay inay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee dhawaanahan laga maqlo magaalada Muqdisho ayaa waxey ku soo beegmee, iyadoo shalay

ciidamada dowladda Somalia ay howlgallo ka sameeyeen degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshii, kuwaas oo ay ku soo qabqabteen boqolaal qof oo dhallinyaro u badan.
XS
SM
MD
LG