Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ntaganda oo Maxkamad la soo Taagey


Garsooreyaasha Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada ayaa qiimeyn ku sameynayaa inay hayaan iyo in kale caddeymo ku filan oo dacwad loogu soo oogo General Bosco Ntaganda oo horey uga tirsanaa ciidamada Jamhuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, kuna eedeysan dembiyo dagaal iyo tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadmiga.

Ntaganda ayaa maanta la horkeenay maxkamadda magaalada The Hague, halkaas oo dacwad oogeyaasha ay ka akhriyeen warbixintoodii koowaad. Qareennada u doodaya ayaa la filayaa inay iyaguna maxkamadda ka hadlaan maanta.

Ntaganda ayaa waxaa loo haystaa 18 dacwadood oo ay ku jiraan falal dil, kufsi iyo inuu carruur u adeegsadey maliishiyadiisa, kuwaas oo tacaddiyo ba’an ka geystey bariga Jamhuriyadda Dimoqraadiga ee Congo intii u dhexeysey 2002 iyo 2003.

Waxaa muddo uu ahaa hoggaamiyaha jabhadda M23, oo dagaal culus ku qaadey ciidamada Jamhuriyadda Dimoqraadiga ee Congo sannadkii 2012ka.

Ntaganda oo da’diisa lagu qiyaaso afartameedyo, ayaa isku dhiibay safaaradda Mareykanka ee caasimadda Rwanda, Kigali. Waxaa uu bishii March ee sannadkii 2013 hore u beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey.

Ntaganda waxaa uu darajada ciidamada heley sannadkii 2009, talabaadaaso oo qeyb ka ahayd heshiis falaagadii uu hoggaaminayey loogu darey milatariga dalkaasi.

Hase yeeshee isaga iyo tiro badan oo askartiisa ka mid ah waxay ka goosteen ciidamada sannadkii 2012ka, iyagoo aasaasey jabhadda M23, jabhaddaas oo markii dambe ay burburiyeen ciidamada Congo.
XS
SM
MD
LG