Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cayaaraha Olimbikada oo ka Bilowday Sochi


Fireworks are seen over the Olympic Park during the opening ceremony of the Sochi 2014 Winter Olympics, February 7, 2014.
Fireworks are seen over the Olympic Park during the opening ceremony of the Sochi 2014 Winter Olympics, February 7, 2014.
Cayaaryahan ka socday dalkan Mareykanka ayaa ku guuleystay billadii ugu horeeysay ee dahab ah cayaaraha Olimbikada ee ka socda Sochi, dalka Ruushka.

Sage Kotsenburg ayaa helay billad dahab ah, cayaarta loo yaqaan Snowboard – ee bararfka lagu dul cayaaro, halka cayaaryahan ka socday dalka Norwey uu helay bilad qalin ah, biladda maartana waxaa heshay Canada.

Biladaha ayaa lagu bixin doonaa shan cayaar oo kala gedisan maanta oo sabti ah – oo ay bilowdeen cayaarahan oo socon doona 16 maalmood.

Cayaarahan ayaa ka bilowday magaalada tamashlaha loo tago ee Sochi , iyadoo garoon cusub oo casri ah oo qaada in ka badan 40 kun oo qof uu xalay marti geliyay xaflad weyn oo xarigga looga jarayay cayaarahan.

Tooshka Olombikada iyo midabo kala duwan oo bululeyra ah ayaa iftiimiyay garoonka ay xafladdu ka dhaceysay

Tartamayaal ka socda ilaa iyo 80 wadan ayaa ku baratamaya cayaarahan Sochi ka socda.
XS
SM
MD
LG