Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Digniin Soo Saaray


Dawladda Maraykanka ayaa soo saartay digniin cusub oo ku socota muwaadiniinta u dhashay Maraykanka oo looga digay inay u socdaalaan Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in xaaladda amniga ee gudaha Soomaaliya ay tahay mid aan degganayn oo halis ah.

Waxa lagu sheegay in kooxaha lagu tilmaamay argagxisada ay muujiyeen sida ay uga go’antahay inay weeraraan dawladda Soomaaliya, ciidamada AMISOM iyo goobaha kale ee aan milatariga ahayn intaba.

Waxay Wasaaraddu sheegtay inay jirto halis si khaas ah ugu socota dadka ajaanibta ah gaar ahaan meelaha ay la iskugu yimaado ee ay joogaan dadka reer galabeedka, sida garoomada, dhismayaasha dawladda iyo goobaha laga dukaamaysto.

Maraykanku waxa uu sheegay in digniintan ay beddelayso mid Marayanku soo saaray bishii Juun ee sannadkii hore.

Waxaa loogu baaqay muwaadiniinta Maraykanka inay sidoo kale ka fogaadaan inay maraakiib ama doonyo ku maraan meelaha u dhow xeebaha Soomaaliya.

Waxaa loogu baaqay maraakibta in haddii laga fursan waayo ay isku raacaan xayn ahaan, si joogto ah iskula xiriiraan isla markaana ay raacaan tilmaamaha ay bvixisay xarunta amniga badaha.
XS
SM
MD
LG