Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo Beenisay Afduubka Saraakiil ka Tirsan ONLF


Sarkaal sare oo ka tirsan Dawlad Degaamka Soomaalida ee Itoobiya ayaa beeniyey in laba sarkaal oo sare oo ka tirsan ONLF laga afduubay magaalaada Nayroobi toddobaadkii hore sida ay sheegeen ururka ONLF.

Cabdinuur Cabdullaahi Faarax "Cabdinuur Yare" oo ah La-taliyaha Dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida, ayaa VOAda u sheegay in labadaasi sarkaal ay "Nabad-qaateen" sida uu hadalka u dhigay, haatanna iyaga oo bad-qaba ay ku sugan yihiin Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Labada nin ayaa kala ah Cali Axmed Xuseen iyo Sulub Cabdi Axmed.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysiga la taliyaha madaxweynaha DDSI.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:10 0:00
XS
SM
MD
LG