Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Daahir oo Xabsiga laga Saaray


Sheekh Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa madaxda sar-sare ee ururka aal-Shabaab ayaa laga saaray xasbiga uu ku jiray Muqdisho, iyadoo loo wareeejiyay guri gaar ah oo ay ku ilaalin doonaan ciidamada dowladda.

Ilaa hadda si rasmi looma oga sababta looga soo saaray xabsiga, mana jirto cid ka tirsan dowladda Soomaaliya oo arrintan ka hadashay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu toddobaadkii hore siiyay idaacadda VOA wuxuu sheegay in wali uu socdo baaritaanno lagu wado Xasan Daahir, dowladduna ay go'aan ka soo saari doonto marka baaritaannadaasi ay dhammaadaan.

Xasan Daahir Aways, wuxuu ka mid ahaa madaxdii sar-sare ee ururka al-Shabaab, isagoo sidoo kale ahaa hoggaamiyihii hore ee kooxdii Xusbul-Islaam.

Sheekh Xasan Daahir ayaa bartimihii sannadkii hore lagu qabtay bartamaha Soomaaliya, kadib markii uu ka soo baxsaday ururka al-Shabaab.
XS
SM
MD
LG