Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal Sare oo Laga Dilay al Shabaab


Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al Shabab.

Sarkaalkan oo lagu magacaaboAxmed Cabdiqaadir Cabdullaahi oo loo yaqaanno (Isku dhuuq) ayaa ay diyaaraduhu toogteen xili uu ku socdey kulan ay kooxda Al Shabab ku lahaayeen tuulada Haawaay oo ku dhow magaalda Baraawe.

Ilo wareedyo ku dhow al Shabaab ayaa VOAda u sheegay in sarkaalka weerarka lagu dilay uu ka mid ahaa madaxda ku dhow hoggaamiyaha al Shabaab isaga oo dhawaan loo magacaabay madaxa waaxda caafimaadka ee ururka.

Dirawaalka sarkaalkan ayaa isaguna ku dhintay weerarkan.

Bishii October ayaa mid ka mid ah diyaaradaha maraykanka ee aan duuliyuhu wadin waxay weerar kan oo kale ah ku qaaday baabuur uu la socday sarkaal al Shabaab u qaabilsan qaraxyada.

Warbixin arrintan ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:45 0:00
XS
SM
MD
LG