Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo Gilgiley Magaalada Qaahira


Egypt explosions
Egypt explosions
Nin isa soo miidaamiyey oo gaari wata ayaa afar qof ku diley xarunta dhexe ee ciidamada booliska ee caasimadda Masar, kaas oo qeyb ka ahaa saddex qarax oo maanta ka dhacay magaalada Qaahira.

Saraakiisha amniga ayaa sheegey in ninka weerarka geystey uu isku qarxiyey qeybta gawaarida la dhigto ee xarunta booliska, waxaana weerarkaa loo arkaa kii ugu horeeyey ee goob muhiim ah lagu qaado muddo haatan dhowr bilood laga joogo.

Saacado kadib, saraakiisha dowladda ayaa sheegey in qarax kale uu ka dhacay goob tareenada laga raaco oo dul marta webiga Nile-ka, halkaas oo qof uu ku dhintey, dhowr ciidamada booliska ka mid ahna ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtey in qaraxa 3aad uu ka dhacay xaafadda Giza, meel ku dhow saldhig boolisku ay leeyihiin, balse ma jirin cid wax ku noqotey.

Qaraxyadan ayaa dhacay iyadoo ay maran yihiin inta badan waddooyinka magaalada, fasaxa maalinta Jimcaha aawadeed. Shacabka ayaa si weyn uga naxay qaraxyadan, iyagoo ka cabsi qaba in maalinta beri ay dhacaan rabshado, iyadoo la xusayo sannadguuradii 3aad ee kacdoonkii ka dhanka ahaa hoggaamiyihii muddada dheer dalka ka talinayey ee la ridey Hosni Mubarak.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatey mas’uuliyadda weerarkan, walow Islaamiyiinta lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen dhowr weerar oo hore oo ka dhan ah ciidamada amniga tan iyo markii la ridey Madaxweyne Mohamed Mursi, bishii July ee sannadkii tegey.

Televishanada ayaa soo bandhigey sawirada khasaare weyn oo gaarey xarunta booliska. Qaraxa ayaa sidoo kale waxyeelo u geystey matxaf Islaami ah oo ka ag dhowaa.
XS
SM
MD
LG