Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo Dersaya Hanjabaadda Islaamiyiinta


Ciidamada amaanka ee Ruushka ayaa sheegey inay dersayaan cajalad video ah oo dhowaan ay soo bandhigeen koox Islaamiyiin ah oo sheegatey inay mas’uul ka ahayd qaraxyadii is miidaaminta ee bishi hore ka dhacay Volgograd. Kooxdaasi ayaa sidoo kale waxay ku hanjabtey inay weeraro ka geysan doonto tartanka ciyaaraha Olimbikada ee ka dhici doona magaalada Sochi.

Video-ga ayaa waxaa bogagga xiriirka bulshada maalintii Axadda soo dhigtey kooxdaasi miliishiyada ah oo ka soo jeedda gobolka ay Muslimiinta ku badan yihiin ee Dagestan. Ma cadda xilliga cajaladan la sameeyey.

Cajaladda ayaa waxaa ka muuqdey laba nin oo afka Ruushanka ku hadlayey, kuwaas oo digniin u jeedinaya Madaxweyne Vladimir Putin, una sheegaya inuu fisho waxa ay ugu yeereen “hadiyadda” ciyaaraha olimbikada ee xilliga jiilaalka. Video-ga ayaa lagu sheegey in labadaasi nin ay ahaayeen kuwii geystey weerarkii bishii hore ka dhacay Volgograd, kaas ay ku dhinteen 34 qof. Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadan.

Militariga Mareykanka ayaa sheegey inay diyaarin doonaan ciidan dhinaca dhulka iyo badda ah oo dowladda Ruushka ka taageeri doona, diyaargarowga amniga ciyaaraha olimbikada. Afhayeen u hadley wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa sheegey in lab markab oo dagaal ay diyaar ku noqon doonaan Badda Madow, haddii laga soo dalbo.

Dhanka kale, shaqaalaha hoteelada magaalada Sochi ayaa saxaafadda u sheegey inay arkeen sawirada haweeney lagu raad joogo oo ka soo jeedda gobolka Dagestan.

Gabadhan ayaa lagu sheegey inay tahay 22 jir uu ka dhintey nin ka tirsanaa miliishiyada islaamiyiinta oo ay dileen ciidamada Ruushka. Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegey Ruzanna Ibragimova, waxaana laga yaabaa inay joogto gudaha ama meel ku dhow Sochi, iyadoo qorsheyneysa inay weeraro geysato.
XS
SM
MD
LG