Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaas oo loo Doortay Madaxtinimada Puntland


Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta loo doortey inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland.

Doorashada ka dhacdey xarunta baarlamanka Puntland ee magaalada Garowe ayaa Mudane Gaas waxaa uu kaga adkaadey wareeggii ugu dambeeyey madaxweynaha talada haya Cabdiraxmaan Faroole.

Waxaa xildhibaanada ay u codeynayeen 11 musharrax oo isku soo taagey xilkaasi
Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waxyar kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada islamarkaana la shaaciyey in uu doorashada ku guuleystey hadlay, ayaa si aad ah ugu mahadceliyey xildhibaanada baarlamaanka ee codkooda siiyey.

Sidoo kale waxaa madaxweyne ku xigeen loo doortay C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey.

Dhanka kale Warsaxaafdeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayuu Madaxweynuhu ugu u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynenimo ee Puntland, tasoo ah sida uu sheegay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra'iisal wasaaraha Somalia Cabdweli Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay sida habsamida ah ee ay u qabsoontay doorshada Puntland.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso warbixinno iyo faallo ku saabsan doorashada Puntland.

please wait

No media source currently available

0:00 0:17:23 0:00
XS
SM
MD
LG