Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-qaacidada Ciraaq oo la Wareegtay Falluuja


 Fallujah,Iraq, Jan. 3, 2014.
Fallujah,Iraq, Jan. 3, 2014.
Maleeshiyaadka taageersan ururka alqaacida ee dalka Ciraaq ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada uu qalaasuhu ka taaganyahay ee Falluuja.

Maleeshiyadan oo ku labisan dirays madow ayaa calankooda ka taagay dhismayaasha magaalada, waxaanay ku dhawaaqeen maamul islaami ah oo madax banaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyada Suniyiinta ay jareen korontadii magaalada isla markaana ay ku amreen dadweynaha inaanay adeegsan mishiinada dabka dhaliya.

Hase ahaatee, taliyaha booliska magaalada Falluuja Maxamed al Ciisaawi ayaa sheegay in maleeshiyadu aanay maamulin magaalada, waxaana uu wargayska The New York Times uu u sheegay in uu ciidmadiisa isugu geeyay waqooyiga magaalada si ay ugu diyaargaroobaan weerar aad u culus.

Laakin Saxafi ku sugan gudaha magaalada oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa u sheegay wargayska kale ee The Washington Post in ciidamada booliska iyo dhamaan ciidamada taabacsan dawladdu ay isaga baxeen magaalada , waxa kale oo uu sheegay in al qaacida ay gubeen dhamaan calamada dawladda Ciraaq ee magaalada surnaa.

Dagaalada ka socda galbeedka Ciraaq ayaa caqabad adag ku noqday dawladda Ra’isal wasaare Nuuri Al maaliki iyada oo laga cabsi qabo in dalka uu ka dhaco dagaal sokeeye..
XS
SM
MD
LG