Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Levinson oo la Sheegay inuu Basaas Yahay


Labo ka mid ah warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in nin Maraykanka oo toddobo sano ka hor la waayey, isaga oo galay dalka Iran, uu ku lug lahaa howlo basaasnimo oo uu hay’adda CIAda u sameynayey.

Wakaaladda wararka ee Associated Press iyo Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in Robert Levinson oo ah hawlgab horay uga tirsanaa hay’adda sirdoonka gudaha ee FBI uu macluumaad u uruurinayey koox CIAda ka tirsan oo aan ogolaansho u haysanin inay howgalo ka fuliso dalalka caalamka.

Levinson ayaa la waayey bishii March ee sanadkii 2007dii, isaga oo booqanaya jaziiradda Kish ee dalka Iran. Qoyska Mr. Levinson iyo dawladda Maraykanka ayaa labaduba sheegay in arrimo isaga u gaar ah uu halkaas u tagey.


Aqalka Cad ayaa Jimcihii shalay sheegay in Madaxweyne Obama uu Madaxweynaha Iran Xasan Rooxaani weydiiyey halka uu ku sugan yahay Mr. Levinson, mar ay bishii September labada hogaamiyey telefon 15 daqiiqo qaatay ku wada hadleen. Afhayeenka Aqalka Cad Jay Carney ayaa sheegay in macluumaadkii u dambeeyey ee ku saabsan Mr. Levinson uu sheegayo in sanadkii 2011kii lagu hayey goob ku taalla koonfur-galbeed ee dalka Iran.


Associated Press iyo Washington Post ayaa sheegay in Levinson uu run ahaan isku dayayey inuu macluumaad ka keeno Daa’uud Salaaxudiin oo loo doonayo dil sanadkii 1980kii dalka Maraykaka gudihiisa uu u geystay diblomaasi Iiraani ah. Salaaxudiin ayaa la sheegay inuu xiriir la leeyahay hogaamiyeyaasha Iran.
XS
SM
MD
LG