Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Yaboohay Lacag lagula Dagaalamayo HIV


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shaaciyey hindise cusub oo kor loogu qaadayo cilmibaaris la xiriirta daweynta cudurka HIV-ga

Mr. Obama ayaa sheegay in maamulkiisu uu lacag dhan 100 milyan oo dollar galin doono Machadka Caafimaadka Qaranka si loo sameeyo dawooyin cusub oo lagula dagaalamayo cudurka HIV AIDS.

Obama ayaa arrinta Isniintii shalay ka shaaciyey magaalada Washington, iyada oo la xusay maalinta caalamiga ah ee cudurka AIDS-ka.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in Maraykanku uu saddexda sano ee soo socda bixin doono lacag ilaa 5 milyan ah oo lagula dagaalamo cudurkan, waa haddii dunida inteeda kale ay bixiso 10 milyan oo dollar. Lacagtan ayaa la siin Sanduuqa Ladagaalanka cudurada AIDSka, TBda iyo Duumada.
XS
SM
MD
LG