Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Waa in la Wado la Dagaalanka Burcadbadeedda


Qaraarka ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay dalalka xubnaha ka ah golaha inay ka shaqeeyaan iyagoo kaashana ururada caalamiga ah in la meel mariyo sharci fududeynaya, in dacwado lagu soo oogo lana maxkamadeeyo dadka looga shakiyo burcad badeednimada, isla markaana laga wada shaqeeyo arinta la xiriirta qalaafashada ama heysashada dadka maraakiibta saaran.

Qaraarka waxaa lagu sheegay in Shabakadaha burcadbadeedda ay sii wadaan inay madax furasho ka raadiyaan afduubka iyo qafaalashada dadka, oo lacagta ay ka helaanna ay ku soo iibsadaan hub iyo saanad ay ku sii fuliyeen

weerarada burcad badeednimada, ku askareystaan rag cusub, iyagoo halis ku haya badqabka dad rayidka ah, isla markaana xanibaya sii socoshada ganacsiga xurta ah.

Burcad badeedda xeebaha Somalia iyo geeska Africa ayaa sameeyay inta u dhaxeysa $339 malyun ilaa iyo $413 malyuun oo madax furasho ah todobadii sanadood ee la soo dhaafay, lacagtaas oo lagu maageliyay falal dambiyeedyo kala duwan oo ka dhacay gobolka iyo caalamkaba sida war bixin ku aadan burcad badeedda oo horaantiibishan uu sii daayay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka daroogada iyo dambiyada ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (UNODC), baanka Aduunka iyo booliska caalamiga ah ee INTERPOL.

Dhinaca kale , halista burcad badeednimada ayaa waxaa qasaara ahaan dunida ay ugu kacday qiyaastii $18 Bilyan sanadkii, lacagtaas oo gasha, qarashaadka ganacsiga ku baxa oo kordhay, dalxiisayaasha adeegan jiray doonyaha iyo maraakiibta dunida oo tira ahaan hoos u dhacay, iyo sidoo kale kaluumeysiga biyaha caalamiga ah oo yaraaday tan iyo sanadkii 2006dii.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu gaar ahaan amaan ugu soo jeediyay dalalka Kenya, Mauritius, Seychelles iyo Tanzania dadaalkooda ku wajahnaa, dacwad ku oogista dad looga shakiyay burcad badeednimo, oo lagu maxkamadeeyay maxkamado lagu saaray dalalkaasi.

Waxa uu Golaha Amaanka sidoo kale ku celceliyay baaq ku wajahan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah burcad badeednimada, iyagoo cutubyo ka tirsan ciidamadooda badda iyo dayuurado miltari ku biirinaya howlgalka ciidamada caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeedda ay ka wadaan Somalia .

Waxaa sidoo kale Qaraarkan uu ku boorinayaa in la qabto, lana bur buriyo doonyaha lagu qabto falalka burcad badeenimo, lalana wareego hubka iyo qalabka kale ee looga shakiyo in loo adeegsanayo burcad badeednimo.
Goluhu waxaa sidoo kale uu go’aan ku gaaray in xayiraadii hubka ee Somalia lagu soo roggay sanadkii 1992dii aysan saameyneyn sahayda hubka iyo qalabka kale milatary ee miltary ee loogu talagalay adeegsiga dalalka xubnaha ka ah golaha, gaar ahaan ururada caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee ka shaqeynaya ha hor tagista halista burcad badeedda.

Golaha Amaanka ayaa qaraarkiisa ugu dambeyntii ugu baaqay dowladda Somalia inay sharci ahaan u mamnuucdo falalka burcad badeedda, baaris ay ku sameyso kuwa ku lugta leh, isla markaana cadaaladda la hor keeno kuwa dhulka Somalia u adeegsanaya inay ka maleegaan, fududeeyaan, ama ay masuul ka noqdaan falal dambiyeedyada burcad badeedda iyo dhaca hubeysan ee badda.
XS
SM
MD
LG