Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dabeeylo iyo Roobab ka Socda Meelo ka Mid Somalia


Roobab wata dabeylo ayaa ka socda degmada Bender Beyla iyo deegaanada u dhow ee gobolka Bari.

Dabeylahan iyo roobabkan oo la sii saadaaliyey ayaa bilaabmay habeen hore.
In kasta oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ahi uusan jirin, haddana dabeylaha ayaa wata qabow daran oo aanay dadka deegaanku aqoonin siday ula tacaali lahaayeen.

Xoolihii ayaa sidoo kale daaq la’aan jooga, maaddaama aan dibadda loo bixi karin. Deegaanka Eyl ee gobolka Nugaal ayaa isagu xaalkii ka sahlan yahay sidii la saadaaliyey.

Sidoo kale, Wararka ka imanaya deganaka Gardufuu ee Puntland ayaa sheagaya in dabaylo xooggan iyo roobab ay ku dhufteen deganakaasi.

Wareysiyo ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee roobabkaas halkan hoose ka dhageyso.

Dhageyso Wareysiyada ku Saabsan Roobabka iyo Dabeysha - 9:33
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:32 0:00
XS
SM
MD
LG