Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Carafaad oo la Ogaaday in la Sumeeyay


Arafat 2004
Arafat 2004
Baaris Seyntifik ah oo lagu sameeyay samballo laga soo qaaday meydka hogaamiyihii geeriyooday ee Falastiiniyiinta Yasser Arafat ayaa laga helay maadada Radio Actifka oo heerkeedu sareeyo, sida ay sheegtay warbaahinta iyo xaaskii uu ka geeriyooday.

Warbixin ka koobanta 108 bog oo ay soo saareen seynisyahanno u dhashay dalka Sweden – oo ka howlgala jaamacadda Lausanne, oo ay uu helay Telefishinka Al-jazeera, lana tusay shirkado kale oo warbaahineed, ayaa laga ogaaday in xadi aan caadi aheyn oo maadadaasi halista ah laga helay shacaano laga soo qaaday feeraha iyo gumaarka meydkii carafaad, iyo ciidda halkii uu yaalay meydkiisa.

Haweeneyda uu ka dhintay Carafaad , oo la yirahdo Suha, ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters arbacadii shalay – in waxa la ogaaday uu yahay dambi dhab ah oo lagu dilay ninkeedii – waxey sheegtay in dhimashada seygeeda ee sanadkii 2004tii uu ahaa shirqool siyaasadeed.
XS
SM
MD
LG