Sharci-dejiyeyaasha Midowga Yurub ayaa bilaabay kulamo xiriir ah oo ay kula kulmayaan saraakiil Maraykan ah, si ay ugala hadlaan barnaamijkii basaasnimada ee la sheegay in Maraykanku uu kula socday qaar ka mid ah xulufadiisa.
23ka dal ee xubnaha ka ah M. Yurub ayaa xubnaha baarlamaankoodu ay Isniintii shalay la kulmeen xubnaha congresska Maraykanka iyo saraakiil kale oo dawladda ka tirsan. Wadahadalada ayaa loo qorsheeyey inay sii socdaan ilaa Arbacada.
Madaxa Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Senateka Dianne Fienstein ayaa Isniintii ku baaqday in dib u eegid buuxda lagu sameeyo barnaamijyada sirdoonka ee Maraykanka si loola tacaalo wararka soo baxaya, kuwaas oo mudahani ay sheegtay in aan horay waxba loogala socodsiin.