Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Newaz Sharif: Duqeynta Droneska Hala Joojiyo


Ra’isul Wasaaraha Pakistan Newaz Sharif ayaa weydiistay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama inuu soo afjaro weerarada dhinaca cirka ah ee uu Mareykanku ka fuliyo Pakistan ee loo adeegsado dayuuradaha Droneska ee aan duuliyaha laheyn, weeraradaas oo aad looga soo horjeedo dalka Pakistan.

Ka dib kulan ay labada Masuul ku yeesheen Aqalka Cad Arbacadii shalay ayaa Mr. Sharif waxa uu sheegay inuu xoogga ku saaray wadahadalkii uu la yeeshay Obama baahida loo qabo in weerarada noocaasi ah la joojiyo, hase yeeshee Madaxweyne Obama ayaan soo hadalqaadin arinta Droneska mar uu wariyeyaasha la hadlayay.

Laakiin warbixin qoraal ah oo ay daabacday Jariidadda the Washington Post ayaa lagu sheegay in saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Pakistan inay si qarsoodi ah u siiyeen Mareykanka ogolaanshaha weerarada Droneska.

Wargeysku wuu sheegay in xog ay ka heleen decumintiyo ay leedahay hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA iyo Diplomaasiyiinta Pakistan ay muujineyso in xukumadda Islamabad ay si joogta ah u heleysay xogta ku aadan weerarada Droneska iyo waxyeelada ay geystaan.

Pakistan ayaa ka mid ah dalalka dagaalka ugu adag kula jira Argagixisada ee dunida, waxaana weerarada argagixisada dalkaasi kaga dhintay in ka badan 40 kun oo qof 10 sanadood ee la soo dhaafay.
XS
SM
MD
LG