Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Magaalada Beledweyne


Beledweyne Qarax
Beledweyne Qarax
Ugu yaraan 16 qof ayaa dhintay in kabadan 30 kalena way dhaawacmeen kadib markii qof is-miidaamiyay uu isku qarxiyay makhaayad ay fadhiistaan ciidamada Ethiopia iyo Soomaali ah oo ku taalla magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan..

Dadkan qaraxan ku dhintay waxaa ku jira 7 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dad kale oo rayid ah. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jirto dhimasho soo gaartay ciidamada Ethiopia, laakiin guddoomiyaha degmada Beledweyne Cabdi Bishaar Adan oo VOA la hadlay ayaa beeniyay arrintaasi isagoo sheegay iin saddex askari oo Ethiopian ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxan, waxayna sheegeen in weerarkaasi loola dan lahaa ciidamada Ethiopia iyo kuwa Djibouti ee ku sugan magaalada Baladweyne. Al-Shabaab waxay sheegatay in qaraxan ay ku dhinteen 20 qof oo ay ku jiraan 13 ka tirsan askarta Ethiopia.

Taliye-kuxigeenka ciidamada Djibouti ee magaalada Beledweyne Ibraahim Cali Faarax ayaa VOA u sheegay in wax khasaaro ah aanu soo gaarin ciidamada Djibouti.

Madaxweynaha iyo RW Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdi Faarax Shirdoon ayaa labaduba canbaareeyay weerarkaasi.
XS
SM
MD
LG