Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali lala Xiriiriyay Weerarkii Westgate


Saraakiisha baadhaya weerarkii suuqa Westgate ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in nin Soomaali ah oo haysta dhalashada Dalka Norway ay dhici karto inuu ka qeybgalay weerarkaasi.

Saraakiisha Norway ayaa diiday inay ka hadlaan ninkan Soomaaliga, laakiin saraakiil baadhaya weerarkaasi oo ku sugan Kenya ayaa sheegay in ninkan uu yahay 23-jir ah lagu magacaabo Xasan Abdi Dhuhulow, uuna haysto dhalashada Norway. Ma cadda in ninkaasi uu wali nool yahay iyo in kale.

Martin Bernsen, oo ah afhayeenka booliska Norway ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Norway ay baadhayaan macquulnimada iyo qof haysta dhalashada Norway uu ku lug lahaa weerarkii Westgate.

Wareysi ay VOA la yeelatay ayaa Mr. Bernsen, wuxuu ku sheegay “inuu jiro shaki xoogaystay” toddobaadkii la soo dhaafay, isagoo sheegay in caddeyta shakigan xoojisay ay ku jiraan muuqaalladii laga duubay kaamaradaha Suuqa Westgate iyo wareysiyo lala yeeshay dad iyagu macluumaad ka haya qofka la tuhunsan yahay.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa horey u sii daayay magacyada afar qof oo ay sheegeen inay weerarkaasi ku lug lahaayeen, kuwaasoo dhamaantood la dilay.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa la sheegay inuu ka tagay magaalo lagu magacaabo Larvik oo ku taalla Norway. Haddaba VOA ayaa wareysi la yeelatay Maxamed Xasan Cali oo madax u ah urur Soomaali ah oo ka dhisan magaalada Larvik.

Wareysigan wuxuu Maxamed Xasan kaga hadlayaa aqoonta uu u lahaa ninkan Soomaaliga ah iyo waliba sida ay u saameysay arrintani Soomaalida Norway.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:35 0:00
XS
SM
MD
LG