Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Munaasabadda Ciidul-Adxaa iyo Geeska Africa.


Magaallooyinka Geeska Africa ayaa maanta waxaa si weyn oo nabad ah looga xusay munaasabadda Ciidul-Adxaa.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale duwan ee dowladdiisa ayaa maanta masjidka Isbahaysiga waxay kula tukadeen salaaddii ciida kumannaan dad ah. Xasan Sheekh ayaa shacabka ugu baaqay inay isku duubnaadaan oo ay ka shaqeeyaan nabadda.

Magaalada Hargaysana madaxda Somaliland ayaa dadweynaha kala qaybgalay tukashada salaadda ciidda.

Magaalooyinka kale, sida Boosaaso, Beledweyne, Garoowe iyo Kismaayo ayaa si weyn looga xusay ciidda.

Dhinaca kalena, ururka al-Shabaab oo magaalada Baraawe wuxuu ka sameeyay xus loogu talagalay munaasabadda Ciidal Adxaa, waxaana dad aad u badan isugu keeneen bartamaha magaalada si ay uga qeybgalaan salaadda ciidda.

Nairobi iyo Djibouti waxaa iyaguna ka dhacay xafladdo iyo munaasabaddu lagu xusayay ciidda.

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeybgalay salaaddii ciidda ee caasimadda Djibouti, wuxuu ka kadlay arrimo kale duwan oo ay ku jirto ciidamada Djibouti ee ku sugan Somalia, isagoo ammaanay howlgalka iyo waxqabadka ay ciidamadaasi ka wadaan Soomaaliya.

Guud ahaan ciiddal Adxaaga sannadkan ayaa si wanaagsan loogu dabaaldagay guud ahaan magaallooyinka iyo degmooyinka Geeska Africa.
XS
SM
MD
LG