Dowladda Federalka Somalia ayaa sheegtey in iyadoo la tixraacayo heshiiskii Addis Ababa ee arrimaha Jubbooyinka, magaalada Muqdisho lagu qaban doono bishan 21keeda shir looga hadlayo arrimaha dib u heshiisiinta degaanadaasi. Hase yeeshee Guddoomiyaha maamulka KMG ee Jubba Ahmed Mohamed Madobe oo dhowaan shir jaraaiid ku qabtey magaalada Kismaayo ayaa sheegey in aaney jirin baahi shir loogu qabtaa Muqdisho, isla markaana loo baahan yahay in xoogga la saaro shir lagu qabto magaalada Kismaayo.
Sheekh Mohamed Mohamud Yusuf Aw Libaax oo ka tirsan mas’uuliyiinta gobollada Jubbooyinka ee dhinaca ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa VOA u sheegay in heshiiskii Addis Ababa u muhiim u yahay in xal waara loo helo mushkiladda gobollada Jubbooyinka, isla markaana ay khasab tahay in shirka Muqdisho laga soo wada qeybgalo.
Qeybta hoose ka dhageyso wareysiga Aw Libaax.