Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pentagon:Weeraro Ayaan ka Fulinay Somalia & Libya


Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka oo la yirahdo George Little, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku xaqiijiyay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee mareykanka ay ka soo qabteen dalka Libya Abu Anas el-Liby, oo ah mid ka mid ah hogaamiyeyaasha ururka al-Qaida , oo la aaminsanyahay inuu ahaa Maskaxdii ka dambeeysay weeraradii bambaano ee lagu qaaday safaaraddaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998dii

Weeraradaas oo muddo haatan laga joogo 15 sanadood ka dhacay safaraadaha Mareykanka ee Magaalooyinka Nairobi iyo Dara Salem ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof, kumanaanna wey dhaawacmeen.

George Little, afhayeenka u hadlay wasaarada Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegay in Abu Anas Al-liby uu haatan gacanta ugu jiro milatariga Mareykanka, isla markaana lagu hayo wax uu ugu yeeray goob amaan ah oo ka baxsan dalka Libya.

Warbaahinta qaarkood ayaa goor sii horeysay ka soo xigtay xubno ka mid ah qoyska Abu Anas, oo leh ciidamado shisheeye ayaa qabtay banaanka gurigiisa oo ku yaala caasimadda dalka Libya ee Triboli sabtidii la soo dhaafay.
Haweeneyda u dhaxda Al-liby ayaa sheegtay in seygeyda ay soo weerareen ilaa iyo 10 rag ah oo hubeysan, xillii u ka soo noqday salaadii xubax aroortii sabtida, waxey sheegtay inuu ku hubeysnaa qori Ak 47 ah isla markaana uu isku dayay inuu isdifaaco laakiin, gaadmada lagu sameeyay iyo iyadoo laga tira badnaa ay u suura gali weysay inuu rasaas rido.

Warar kale oo kuwaa ka duwan, ayaa saraakiisha Mareykanka ay ku sheegeen sabtidii , in cutub ka tirsan ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Navy SEALs ay fuliyeen howlgal kale oo ka dhacay koonfurta Somalia, Jimcihii, kaas oo lagu beegsanayay mid ka mid ah hogaamiyeyaasha sar sare ee ururka al-Shabab, kooxdaas oo sheegatay inay fulisay weerarkii dhawaan lagu qaaday dhismaha ganacsi ee Westgate ee Magaalada Nairobi.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ma aysan sii deyn, magaca shaqsiga ay ku raad joogeen, laakiin saraakiisha Mareykanka ayaa ku tilmaamay shaqsigaasi, hogaamiye sare oo argagixis oo “Al-shababna qiimo weyn ugu fadhiya”


Wararka la xiriirka howlgalkaasi ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen magaalada Barawe ee Koonfurta Somalia ayaa sheegay in ciidamadii Commandosta Mareykanka ee fuliyay weerarka ay ka soo baxeen halkaasi , ka dib markii ay iska caabin la kulmeen.

Saraakiishu waxey sheegeen in Ciidamadii mareykanka ee fuliyay weerarka aanu wax qasaara ah soo gaarin, laakiin ay qasaare gaarsiiyeen tira ka mid ah dagaalyahanadii al-shabab ee gaarka ka hayay gurigii ay weerareen.

Dhawaan ayaa sidoo kale afhayeen u hadlay Al-shabab uu sheegay inay iska caabiyeen ciidamo reer galbeed ah oo soo weerary guri ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Al-shabab. Wuxuuna qiray in mid ka mid ah dagaalyahanadooda lagu dilay weerarkaasi.

Ma cadda in shaqsiga ay mareykanka baadi doonayeen uu ka mid yahay ragga al-shabab kaga dhintay ama kaga dhaawacmay weerarakaasi.
XS
SM
MD
LG