Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ururka Xisbul Islaam oo kala Jabay


Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa si kulul uga jawaabey hadal uu shaley jeediyey mid ka mid ah xubnaha sare ee isla ururkaasi shaley ayaa sarkaal sare oo ka tirsan ururka, Sheikh Mohamed Mocallim waxaa wareysi uu siiyey siiyey VOA, isagoo sheegey in hadda wixii ka dambeeya ay hadafkooda ku raadinayaan qaab nabadeed, Muqdishana ay shir ku qaban doonaan dhowaan.
Hadaba maanta ayaa Sheikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo sheegey inuu yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Shuurada ee Ururka, waxaa uu sheegey in warka ka soo yeerey Sheikh Mohamed Macallin Cali aaney ururka waxba ka ogeyn.
Hadalkan uu jeediyey Sheikh Ismaaciil ayaa muujinaya inuu khilaaf iyo kala aragti duwanaansho ka dhex jiro ururka, xilli uu weli xabsi ku jiro hoggaamiyihii ururkaasi Sheikh Xasan Daahir Aweys.
Daud Aweis ayaa khadka telefonka ee magaalada Muqdisho kula xiriirey Sheikh Ismaaciil Xaaji Cadow. Wuxuuna ugu horeyn weydiiyey waxa uu ka ogyahay shirkii jaraaiid ee uu shaley Muqdisho ku qabtey Sheikh Mohamed Macallin.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:08:11 0:00
XS
SM
MD
LG