Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda G20 oo Weli Isku Khilaafsan Arinta Syria



Diblomaasiyiin ka qeyb galaya shirka ayaa sheegay in casho sharaf uu xalay goor dambe u sameeyay Madaxdaasi Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo uu ku doonayay in xal ka gaaraan kala aragti duwanaanshahooda, aaney isku afgaran sida wax loo wajahayo colaadda Syria.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa isku dayaya inuu taageero caalami ah ku guuleysto, si uu ugu ciqaabo dowladda Syria, adeegsi la sheegay inay dad rayid ah u isticmaashay hubka Kiimikada, weerar bishii la soo dhaafay ka dhacay meel ku dhow caasimadda dalka Syria ee Dimishiq.

Mr. Obama ayaa maanta Jimca ah la kulmaya madaxweynayaasha Shiinaha, Xi Jinping ,oo ka soo horjeeda weerar military oo lagu qaado Syria.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa weli xulufo dhow la ah Syria, waxeyna horey codka diidmada qayaxan ugu hor istaageen qaraaro lagu cadaadin lahaa dowladda Madaxweyne Bashaar Al-Asad ee Syria oo la horkeenay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Ruushku wuxuu ku doodayaa inaysan jirin daliil loo hayo in xukumadda Asad ay fulisay weerarkii Syria ka dhacay bishii August ee la soo dhaafay, kaasoo boqolaal qof ay ku dhinteen.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa maanta oo jimca ah ka digay madaxda dunida wuxuu ugu yeeray weerar military oo si taxadar darra ah loogu qaado Syria, kaasoo buu yiri sii xumeyn kara xaaladda gobolka.
XS
SM
MD
LG