Isku xirrada

War Deg-Deg ah

France: Syria Waa in Talaabo Laga Qaadaa


French Minister for Foreign Affairs Laurent Fabius speaks during a media conference in Tunis, May 14, 2013.
French Minister for Foreign Affairs Laurent Fabius speaks during a media conference in Tunis, May 14, 2013.
Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in beesha caalamka ay waajib ku tahay inay xoog kaga jawaabto, hadii ay run noqdaan eedaha ka soo yeeraya mucaaradka ee sheegaya in ciidamada xukumadda Syria ay adeegsadeen hubka Kiimikada weerar ka dhacay meel ku dhow Dimishiq.

Laakiin Wasiirka Arimaha dibadda ee Faransiiska Laurent Fabius ayaa meesha ka saaray maanta oo Khamiis ah suurtagalnimada adeegsiga ciidamo lugta ah.

Wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa sidoo kale ku booroyay beesha caalamka inay talaabo qaadato, isagoo sheegay in xukumadda bashaar Al-asad ay dhaaftay waxuu ugu yeeray “diilintii caseyd”

Kooxaha u dhaq dhaqaaqa xuquuqda Aadanaha ee Syria ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerar duqeyn ah oo cusub ay ka geysteen maanta oo Khamiis ah deegaanka Bari ee Ghouta, halkaasoo maalin ka hor, mucaaradku ay ku eedeeyeen ciidamada dowladda, inay dileen dad badan oo rayid ah, iyagoo adeegsanayay hubka Kiimikada.

Dowladda Syira ayaa beenisay eedahaasi, waxeyna sheegtay in mucaaradku ay isku dayayaan in kormeerayaasha Qaramada Midoobay ee ku suggan Syria ay ka weeciyaan halka u qorsheysan inay soo baaraan.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa arbacdii la soo dhaafay ka yeeshay arinta Syria kulan deg deg ah.
XS
SM
MD
LG