Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kay: Waa in la Baaro Kufsigii ay Gaysteen AMISOM


War ka soo baxay xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, ayaa walaac kulul ka muujiyay eedeymaha ku aaddan kufsi la sheegay inuu dhawaan ka dhacay xero militeri oo ay degenyihiin ciidamada AMISOM.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baaritaan ay ku dhawaaqeen dowladda Somalia iyo AMISOM oo Kufsigan la xiriira, uu noqdo mid qotta dheer, si deg deg ahna ku dhaca.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, ayaa lagu yiri “Haddii uu jiro kiis ama dacwad dhab ah oo u baahan in laga jawaabi, waa in dembiilaha ama eedeysanaha maxkamad la soo taagaa oo lala xisaabtamaa, iyadoo xuquuqda asaasiga ahna la ilaalinayo”.

Kufsiga ama dhibaatada loo geysto haweenka ee ka dhaca Soomaaliya waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu halista badan waana caqabadaha degdegga ah ee haysta xuquuqda aadanaha ee hortaagan Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
XS
SM
MD
LG