Dowladda Ku meel gaarka ah ee Masar ayaa diiday inay joojiso howlgalka milatari ee ka dhanka ah taageerayaasha Xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka ee ay ku dhinteen dad shan boqol oo qof ay ku dhinteen , inkastoo ay wajahayaan dhaleeceyn caalami ah.
Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa u ogolaatay Khamiistii Ciidamada Amaanka inay adeegsadaan rasaasta nool nool iyo xoog si ey isu difaacaan, isla markaana ay u difaacaan hay’adaha dowladda.
Sidoo kale Ururka Iqwaanul Muslimiinka ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay dibad baxyo cara wata oo ay ka dhigaan jidadka qaahira maanta salaadda jimcaha ka dib.
Madaxweyne Barack Obama , oo ka hadlayay howlgalka dhimashada dhaliyay ee miltariga Masar ay ku qaadeen mudaaharaadyadii ay dhigayeen taageerayaasha Madaxweynihii xukunka xoogga looga tuuray ee Masar Maxamed Mursi, ayaa sheegay in Mareykanka uu baajiyay dhoola tus wada jir ay u sameyn lahaayeen ciidmada Mareykanka iyo kuwa Masar.