Isku xirrada

War Deg-Deg ah

MSF oo Joojisay Gargaarkii Soomaaliya


Hay’adda MSF aya maanta ku dhawaaqday inay gabi ahaanba joojisey hawlihii gargaarka aadminimo ee ay ka wadey gudaha Somalia.

Madaxa MSF Dr Unni Karunakara ayaa sheegey in weeraro lala beegsadey shaqaalaha hay’adda ay ugu wacan tahay in la soo xiro dhamaan barnaamijyadii ay ka wadeen Somalia, isagoo intaa ku darey in kooxaha hubeysan ee weerarada fuliya iyo hoggaamiyeyaasha maxaliga oo u muuqda kuwo taageeraya isla markaana ku dhiirada weerarada loo geysto hay’adaha gargaarka iyo shaqaalahooda.

Muddo 22 sanno ah ayay MSF ka hawlgaleysey Somalia, waxaana tan iyo xiligaa hay’adda laga diley 16 shaqaale, iyadoo weeraro badanna lala beegsadey xarumaheeda iyo shaqaalaheeda.

Dhawaan ayaa la sii daayay laba haween ah oo shaqaale ah kuwaaso afduub ahaan loo haystay muddo 21 bilood ah.

Talaabadan ayaa laga yaabaan inay wiiqdo gargaarkii loo fidin jirey dadka tabaaleysan ee Somalia.
XS
SM
MD
LG