Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaaradaha Drones oo markale Duqeeyay Yemen


Saldhig Diyaaradaha Drones-ka oo Laga Furay Ethiopia
Saldhig Diyaaradaha Drones-ka oo Laga Furay Ethiopia
Saraakiisha dalka Yemen ayaa sheegay in sadex weerar oo kale oo ay dalkaasi ka geysteen Dayuuradaha Mareykanka ee aaney cidina wadin in Khamiistii shalay lagu dilay 12 ka mid ah mintidiinta la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin alqacidada, weeraradaa oo qeyb ka ah, wax u muuqda mareykanka oo dar dar geliyay dagaalka ka dhanka ah Alqacidada Gacanka Carabta.

Yemen ayaa sheegtay in labadii todobaad ee la soo dhaafay dayuuradaha Droneska Mareykanka ay geysteen ilaa iyo todoba weerar, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 ka mid ah dagaalyahanada Alqacidada Yemen.

Dowladda Mareykanka ayaa weli ka hadlin weeraradan Droneska ay geysteen, laakiin saraakiisha Yemen ayaa sheegay in Weeraradii shalay dhacay lala beegsaday baabuur ay saaraayeen Mintidiinta Alqacida oo marayay gobolada xantarmuud iyo Marib.

Dowladda yemen ayaa kordhisay amaanka caasimadda dalkaasi ee Sanca iyadoo ciidamo ku hubeysan taangiyo ay gaar ka hayaan dhismooyinka dowladda iyo safaaradaha.
XS
SM
MD
LG