Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barnaamijyo Gaar ah iyo Farxadda Ciidda


Laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa dhegaystayaasha ugu talagashay munaasabadda ciidda awgeed laba barnaamij oo xiisa badan oo ay marti ku yihiin Fannaaniin badan.

Barnaamijka koowaad waxaa si wada jir ah u daadahaynaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasha Ibraahim "Caasha Cuud".

Waxaana Marti u ku ah Fannaaniinta waawayn ee Maxamed Axmed "Kuluc" iyo Caasha Cabdoo, sidoo kale waxaa ku weheliya fanaanka caanka ah ee Cabdirasaaq Gaadaco iyo fannaanka da'da yar ee Cawaale Aden.

Halkan ka dhegayso Barnaamijka koowaad ee ciidda.

please wait

No media source currently available

0:00 0:36:53 0:00

Barnaamijka labaad ee ay VOA ugu talagashay munaasabadda ciidda ayaan idiinku haynaa Heeso, Majaajilooyin qosol iyo maad badan iyo waliba sheekooyin xiiso badan waxa marti noogu ah Fanaaniinta Maryan Mursal Ciise, Seynab Cige Maxamed, Cadar Axmed Kaahin iyo Faarax Cawil Jaamac (Faarax Murtiile).

Barnaamijkan Sahra Ciidle Nuur ayaa inoo soo diyaarisay waxana la soo jeedinaya Maxamuud Mascadde, fadlan ka dhegayso halka hoose

please wait

No media source currently available

0:00 0:33:15 0:00
XS
SM
MD
LG